Safiir Ku Xigeenka S/Land U Fadhiya Kenya Oo Si Adag U Beeniyay Warar Been Abuur Ah Oo La Soo Macmalay Oo Lagu Faafiyay Mid Ka Mid Ah Mareegaha Wararka
(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 16, 2013
Kampala-(HWN)-Sidoo kale War saxaafadeedkani waxa si weyn loogu deedifayay warkaa been abuurka ah oo
Kampala-(HWN)-
Xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Kenya ayaa si weyn u beeniyay
oo waxba kama jiraan ku tiri kuteen ah ku tilmaamay warar macmal ah oo
aan sal iyo raad toona lahayn oo ujeedooyin gaar ah oo jahawareerin ah
laga leeyahay oo dhawaan lagu faafiyay mid ka mid ah Mareegaha Wararka
oo ay caado joogto ah u noqotay baahinta wararka been abuurka ah,
sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay Ku Xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Mudane Abdirizak Ahmed
Karaani, oo caawa nuqul ka mid la soo gaadhsiiyay Xafiiska Wararka ee Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Kampala.
Sidoo
kale War saxaafadeedkani waxa si weyn loogu deedifayay warkaa been
abuurka ah oo si indho la aan ah loogu soo macmalay ee lagaga been
abuurtay In Safiirku xigeenka Somaliland ee dalka Kenya Mudane Abdirizak
Ahmed Karaani, inuu ku lug lahaa xidhiidho la male awaalay oo lagu
sheegay in uu la sameeyay xafiisyo kale iyo shakhsiyaad kale oo aanu
waxba kala socon haba yaraatee arrimahooda iyo xidhiidhadooda toona,
taas uu warsaxafadeedku ku tilmaamay in warkan aan xaqiiqda ku dhisnayni
uu ahaa mid looga dan lahaa in si gurucan oo been ah loogu waxyeeleeyo
sumacada ku xigeenka xafiiska Somaliland ee Kenya , waxaanu
warsaxaafadeedku uga digay masuuliyiinta mareegta wararkan fawaaxishka
ah baahisay inay ka waantowdo wararkaa been abuurka ee looga dan
leeyahay magac dilka ah madaxda iyo masuuliyiinta Somaliland ee ay
caadaysteen isla markaana ay raaligelin buuxda ka bixiyaan beentan cad
ee ay ummadda ku jaho wareerinayaan. Hadaba, Warsaxaafadeedkan oo dhamaysiranina waxa uu u qornaa sidatan.
ASC,
RAMADAAN KARIIM, Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Xafiiska
Somaliland ee dalka Kenya waxaan si buuxdda oo cad halkan ugu beeninayaa
warar macmal ah oo xaqiiqada
aad uga fog oo dhawaan lagaga been abuurtay magacayga iyo xilka aan
qaranka u hayo iyo magaca xafiiska Somaliland ee Kenya oo si
qayrul masuulnimo ah loogu baahiyay mid ka mid ah Mareegaha wararka ee
Somaliland oo habdhaqan joogta ah ka dhigatay baahinta warar aflagaada
ah oo lagaga been abuuranayo madaxda iyo masuuliyiinta maamuuska mudan
ee xilalka kala duwan u haya qaranka Somaliland.
Markaan arkay warkan been
abuur ah ee aan salka iyo raadka toona lahayn oo si ka madhan anshaxa
iyo karaamadda saxaafadda loogu qoray mareegtan wararka in si ujeedo
khaldani ku jirto oo been ah loogu soo daray in laga been abuurto
magaca iyo xilka Wakiil ku xigeenka xafiiska Jamhuuriyada Somaliland ee
Kenya, Mudane Abdirizak Ahmed Karaani, inuu wax ka ogaa sheekooyinkan
macmalka ah ee mareegtaasi faafisay, isla markaana qofka qoray
warbixintan iuu si khaldan u soo xiganayo wakiil ku xigeenka ayaan go
aan sanay in aan u bayaamino dhamaan bulshada Somaliland iyo cid kasta
oo ay khusayso in aanay ahayn wax sal iyo raad leh in wakiil ku xigeenku wax
xidhiidh ah ka helay safaarada Somaliya oo lagu wargaliyay imaatinka
Gudoomiye Faysal cali waraabe, ma jirto wax xidhiidh noocaas oo kale ah
oo na dhex mara ka xafiis ahaaan iyo masuuliyiin ahaantoona safaarada
Somaliya , sla markaana Guddoomiyaha
xisbiga UCID waa masuul u dhashay Jamhuuriyada Somaliland oo sharaf iyo
maamuusba naga mudan isla markaana anaga ay tahay mid uu
xaq noogu leeyahay in aan wixii uu nooga baahdo la qabano isna uu sidoo
kale naga soo codsado balse waa wax lagu qoslo in dadka soo qoray
warbixintan ay Xafiiska Jamhuuriyada Somaliland hoos geeyaan xafiis kale
oo dal kale ah oo wax naga dhexeeya aanu jirin.
Guntii
iyo gebogebadii, aniga oo kuhadlaya magacayga iyo magaca Xafiiska
Somaliland e Kenya, waxaan uga digaynaa dadka caadastay qorista
warbixino been abuur ah oo wax loogu dhimayo karaamada milgaha iyo
macaga masuuliyiinta qaranka in laga waantoobo si loo
illaalyo masuuliyada amshaxa saxaafadda, iyada oo mareegaha wararkaa
xaqiiqada ka fog dhaqanka joogtada ah ka dhigtay ay sharaf dhac ku tahay
iyaga laftooda ioo ay wiiqayso kalsoonidii lagu qabay wararka ay
baahinayaan, sidaa daradeed waxaan
ka codsanaynaa masuuliyiinta mareegta wararkan baahisay inay arintaas
jawaab raali gelin ah oo buuxda oo degdeg ah ay ka bixiyaan, kana
waantoobaan beer abuurka wax u dhimaya sharafta iyo kalsoonida mareegtan
baahisay war ku sheegan mala awaalka ah .
Allaa Mahad Leh
Wakiil ku xigeenka xafiiska Jamhuuriyada Somaliland ee Kenya, Mudane Abdirizak Ahmed Karaani.
Xafiiska Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Kenya
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/com/Office
Kampala/Uganda
Comments
Post a Comment