DHUMUCDA AWOODEED EE DHALINYARADEENA HALOO XAADHO DHABO TOOSAN
Abdirizak Ahmed Karaan
Wakiil ku xikeenka Somaliland ee Kenya
Tilmaanta guud ee ilaa iyo imika beesha caalamku isla qaadatay in lagu qeexo da’da iyo ayniga dhalinyarnimo ayaa ah inta u dhaxaysa 15 jir ilaa 29 ama 35 ugu badnaan. Hadaba xiligaas aan tilmaanay ayaa ah marka uu qofka banii aadamka ahi uu ugu xoog , karti iyo waliba caqli badan yahay oo laguba tilmaamo inay tahay nolosha inta ugu qiimaha badan. Mawduucan qoristiisa ayaan uga gol leeyahay in aan kala qeyb qaato dhalinyarada gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyada Somaliland xuska maalinta dhalinyarada aduunka oo ku beegnayd 12kii bishan aan ku jirno ee August sanadkan 2011ka.
Dal iyo qawmiyad kasta oo dunida guudkeeda ku sugan waxaan muran ku jirin in dhalinyadu u tahay laf dhabarta ay ku qotomaan ee dhaqan dhaqaale iyo waliba siyaasadeed, sababtu waxay tahay maadama dhalinyarnimadu tahay da’ uu qofka banii adamku waxkasta qabsan karo umadiisana u qaban karo horumar wal oo dal gaadho iyagaa u sabab ah laga soo bilaabo tan iyo maalintii eebe uu aabeheen Aadan ka abuuray ciida , hooyadeen xaawana ka unkay feedhiisa, isbedelka maanta caalamku ku taagan yahayna waa mid ay isku soo dhiib dhiibeen jiilal dhalinyaro ah oo kala duwan.
Hadii aan usoo gundo dego waayaha ay ku sugan yihiin maanta dhalinyarteenu waa mid qof walba farxad galinaysa Eebana loogu mahadnaqo maadaama dal iyo dad nabdoon xoriyaduna u dheer tahay ku nool yihiin, dhalinyarteenu maanta waa wadarta ugu badan guud ahaan bulshada Somaliland wallow aanu jirin tirokoob rasmi ah oo dawladu samaysay balse hadana cilmi baadhisyo kala duwan oo ay sameeyeen haayadaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ayaa tilmaamaya inay ka noqonoyaan boqolkiiba todobaatan bulshadeena (70%) taasi waxay tilmaamaysaa in Eebe nagu manaystay dhalinyaro iyo ciidan xoogan.
Waxaan shaki ku jirin in dhalinyaradeenu si weyn uga soo qeyb qaateen horumarka dalkeenu ku talaabsaday maanta laga soo bilaabo dib u dhiskii dalka ilaa maanta oo dalku cagta saaray dhabada dimuqraadiyada iyo maskax maalida walina hareeraha hayaan oo u hanweyn yihiin inay wax bedelaan dadkooda iyo dalkoodana qanciyaan. Hadaba nimco waliba nusqaanteeda lehe tirada dhalinyarada ee sii badanaysa hadaan loo jeexin hilin oo la hoga tusaalayn lagana shaqayn midnimadooda waxaa dhici karta in dhanka khaldan loo hogaansho. Wallow dalka ay ku gedaaman yihiin duruufo adag oo dhanka dhaqaalaha ah hadana waxay si toos ah u saamaynaysaa dhalinyarada oo iyagu u baahan inay shaqaystaan dhididkoodana wax kula soo baxaan taas oo ka jeedin karta ku fududaanshaha waxyaabaha khaldan.
Hadaba dhumucda awoodeed ee dhalinyaradeena waxay u baahan tahay in loo xaadho dhabo toosan oo ku dhisan cilmi iyo diin taas oo u noqon karta dabar ka dhawra xumaanta iyo dhagarta ay kula kici lahaayeen umadooda. Waxan wada ogsoonahay in awooda ay ku faamaan kuna duleeyaan umadooda kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ka hawl gala dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya inay tahay quwad dhalinyaro taas oo ay sabab u ahayd in ay ka faaiidaysteen caqligii dhalinyaradan oo ay haysay duruufo dhaqaale oo qalafsan isla markaasna ay ku beereen qalad faham diineed.
Guntii iyo gebogebadii waxaan talo ahaan usoo jeedinayaa dhamaan bulsho weynta Somaliland gaar ahaan ururada dhalinyarada, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, aqoonyahanada da’da yar iyo inta afkaartoodu u janjeedho dhalinyarada qodobadan hoos ku qoran:
1. .In si wada jir ah looga shaqeeyo siyaasad qeexan oo ay yeeshaan dhalinyaradeena Jamhuuriyada Somaliland
2. In haayadaha caalamiga ah ee maalinwalba dalka kusoo qulqulaya xooga lagu saaro in aanay shaqaalaha kasoo qaadan dalka debedisa balse ay shaqaalaysiiyaan dhalinyarada waxbaratay ee xaqa u leh.
3. Dhalinyaradu xoogooda haku jiheeyaan dhanka horumarka sida arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo ilaalinta dhaqankeena
4. Doorashooyinka soo socda ee golaha wakiilada waa in sharci laga dhigaa in lasiiyo dhalinyarada tiro go an oo xubnaha baarlamaanka uga qeyb gasha taas oo aan lagula tartami Karin sida ka jirta dalalka Uganda iyo Kenya loona yaqaan (Youth Mp)
5. Waa in xisbiyada qaranku iyo ururada siyaasada ee tartanka ka qeyb gali doona ay ku cadeeyaan siyaasadahooda xaqa dhalinyaradu ku yeelan doonto hadii ay ku guulaystaan xukunka dalka.
6. Aqoonyahanada da’da yare e dalkeena aadka ugu soo badanaya waa in ay maskaxdooda maalaan oo ay sameeyaan qoraalo iyo cilmi baadhisyo badan oo ku qotoma aragti fog gaar ahaan sida arimaha bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasada iyo waliba khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena eebe ku manaystay taasoo u fududayn doonta daneeyayaasha dalkeena inay si fudud u helaan xaqiiqooyinka dalkeena oo qoran waxay sidoo kale dhaxal u noqon kartaa jiilasha inaga danbeeya.
Abdirizak Ahmed Karaani
Wakiil ku xikeenka Somaliland ee dalka Kenya
Nairobi-Kenya
Comments
Post a Comment