Posts

Image
Safiir Ku Xigeenka S/Land U Fadhiya Kenya Oo Si Adag U Beeniyay Warar Been Abuur Ah Oo La Soo Macmalay Oo Lagu Faafiyay Mid Ka Mid Ah Mareegaha Wararka (Hadhwanaagnews) Tuesday, July 16, 2013 Kampala-(HWN)-Sidoo kale War saxaafadeedkani waxa si weyn loogu deedifayay warkaa been abuurka ah oo Kampala-(HWN)- Xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Kenya ayaa si weyn u beeniyay oo waxba kama jiraan ku tiri kuteen ah ku tilmaamay warar macmal ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ujeedooyin gaar ah oo jahawareerin ah laga leeyahay oo dhawaan lagu faafiyay mid ka mid ah Mareegaha Wararka oo ay caado joogto ah u noqotay baahinta wararka been abuurka ah, sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed   kooban oo qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay Ku Xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Mudane Abdirizak Ahmed Karaani, oo caawa nuqul ka mid la soo gaadhsiiyay Xafiiska Wararka ee Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Kampala. Sidoo kale War sa...
Image
DHUMUCDA AWOODEED EE DHALINYARADEENA HALOO XAADHO DHABO TOOSAN Abdirizak Ahmed Karaan Wakiil ku xikeenka Somaliland ee Kenya Tilmaanta guud ee ilaa iyo imika beesha caalamku isla qaadatay in lagu qeexo da’da iyo ayniga dhalinyarnimo ayaa ah inta u dhaxaysa 15 jir ilaa 29 ama 35 ugu badnaan. Hadaba xiligaas aan tilmaanay ayaa ah marka uu qofka banii aadamka ahi uu ugu xoog , karti iyo waliba caqli badan yahay oo laguba tilmaamo inay tahay nolosha inta ugu qiimaha badan. Mawduucan qoristiisa ayaan uga gol leeyahay in aan kala qeyb qaato dhalinyarada gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyada Somaliland xuska maalinta dhalinyarada aduunka oo ku beegnayd 12kii bishan aan ku jirno ee August sanadkan 2011ka. Dal iyo qawmiyad kasta oo dunida guudkeeda ku sugan waxaan muran ku jirin in dhalinyadu u tahay laf dhabarta ay ku qotomaan ee dhaqan dhaqaale iyo waliba siyaasadeed, sababtu waxay tahay maadama dhalinyarnimadu tahay da’ uu qofka banii adamku waxkasta qabsan karo umadiisa...

Youth Must Prove That They Can Lead

Image
The past few months has seen intensified clamor for youth leadership.Depate has been raging in the media and elsewhere about the need for the youth to take over the leadership of the country and participate in shaping its destiny. That there is no need for a generational change in leadership is not in question. There are many who argue that if Africa is to grow then it needs fresh ideas which can mainly come from the youth. However before the youth can stake claim on leadership, they have to tackle a number of challenges. First, the campaign to empower youth politically must shift to rural areas. Despite the fact that a majority of youth live in villages, the campaign to empower and motivate them to play a bigger role in political process has been concentrated in towns. There is urgent need to educate and enlighten rural youth so that they can be weaned off their previous existence in which they were mere pawns in the game of aspiring politicians. NARROW POLITICAL INTERESTS: Second. ...

Muuqaalka dhabta ah ee Ururka Qaramada Midoobay iyo Hadimada uu Geystay

Image
HORDHAC Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa waxaa la aasaasay sanadkii 1945kii kadib markii uu istagey dagaal-weynihii labaad ee aduunka kaas oo dunida ku reebay burbur iyo waliba kala qob-qobnaan badan oo cadaawad ma guuraan ah ku reebtay qalbiyada dadkii waqtigaas. Fikirka guud ee ka danbeysay asaaska jimciyadan ayaa ahayd in lagu soo afjaro colaadahaas isla markaasna lagu kala garnaqsado dib u dhisna loogu sameeyo goobihii iyo magaalooyinkii ku burburay dagaaladaas waa weynaa ee mudadaa socday. Ururka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ayaa waxaa ku midoobay dhamaan dalalka aduunka gaar ahaan wakhti xaadirkan waxaa xubno ka ah 192 dal inkastoo ay asalkiisa hore ay asaaseen ama fikirkiisa lahaayeen dalal yar oo kamida inta horumartay , dastuurka ama axdiga lagu dhaqo ururkan ayaa qiraya in dalkastaa oo madax banan isla markaasna ah mid dunidu ay aqoonsan tahay uu xaq u leeyahay inuu kursi ku yeesha golaha guud ee ururkaas. Wuxuu ka kooban yahay ururkani golle guud oo ah madasha ay ku kulmaa...