DHUMUCDA AWOODEED EE DHALINYARADEENA HALOO XAADHO DHABO TOOSAN
Abdirizak Ahmed Karaan Wakiil ku xikeenka Somaliland ee Kenya Tilmaanta guud ee ilaa iyo imika beesha caalamku isla qaadatay in lagu qeexo da’da iyo ayniga dhalinyarnimo ayaa ah inta u dhaxaysa 15 jir ilaa 29 ama 35 ugu badnaan. Hadaba xiligaas aan tilmaanay ayaa ah marka uu qofka banii aadamka ahi uu ugu xoog , karti iyo waliba caqli badan yahay oo laguba tilmaamo inay tahay nolosha inta ugu qiimaha badan. Mawduucan qoristiisa ayaan uga gol leeyahay in aan kala qeyb qaato dhalinyarada gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyada Somaliland xuska maalinta dhalinyarada aduunka oo ku beegnayd 12kii bishan aan ku jirno ee August sanadkan 2011ka. Dal iyo qawmiyad kasta oo dunida guudkeeda ku sugan waxaan muran ku jirin in dhalinyadu u tahay laf dhabarta ay ku qotomaan ee dhaqan dhaqaale iyo waliba siyaasadeed, sababtu waxay tahay maadama dhalinyarnimadu tahay da’ uu qofka banii adamku waxkasta qabsan karo umadiisa...
Posts
Showing posts from August, 2011